Madaxwaynihii Hore Maraykan Donald Trump Oo Baasaboorki Laga Qaaday

0
233

Madaxwaynihii Hore Maraykan Donald Trump Oo Baasaboorki Laga Qaaday

Isniintii la soo dhaafay ayuu madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump sheegay in FBI-du ay ka qaadatay saddex baasaboor oo uu lahaa intii lagu guda jiray weerarka gurigiisa. Tallaabadaas waxaa caadiyan la qaadaa oo keliya haddii ay baareyaashu ka baqaan in qofka uu dhuunto ama uu dhoofo.

“Tani waa weerar lagu qaaday siyaasi mucaarad ah, taas oo gaarsiisan heer aan horay loogu arag dalkeena. Dunida Saddexaad!” ayuu Trump ku soo qoray bartiisa bulshada ee Truth Social.

Illo sharci-fulin ayaa markii dambe u xaqiijiyay CBS News oo ah warbaahin shaqo-wadaag la ah BBC-da qeybaheeda Mareykanka, in baasaboorrada uu leeyahay Trump ay qaateen baareyaashu 8-dii Agoosto.

Farriin email ah oo waaxda caddaaladda ay u dirtay kooxda Trump ayuu mid ka mid ah saraakiisha ku yiri: “Waxaan ogaannay in wakiillada waaxda kala shaandheynta ay qabteen saddex baasaboor oo uu lahaa madaxweyne Trump, labo dhacsan iyo mid shaqaynaya oo baasaboor diblomaasi ah” – waxayna diyaar u ahaayeen in la qaadan karo Isniintii.

Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegaysa in baasaboorradii dib loo celiyay.

Baaritaanka FBI-da ayaa dhaliyay caro ka timid xulafada Trump, iyadoo qaar badan oo ka tirsan ay dalbanayaan in sharci ahaanshaha arrintan si cad loo soo bandhigo.

Waaxda caddaaladda ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay in bixinta faahfaahin ku saabsan amarka lagu weeraray guriga Donald Trump ee Florida ay “burbur aan laga soo kabsan karin” ku keeni karto baaritaanka.

Waxay doonaysaa inay hayso dukumiintiga maxkamadda ee caddeynaya oggolaanshaha baaritaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here