Elon Musk oo sheegay in uu iibsanayo Kooxda Manchester United oo xaalad jahwareer ah dhexda ka taagan.

0
322

Elon Musk oo sheegay in uu iibsanayo Kooxda Manchester United oo xaalad jahwareer ah dhexda ka taagan.

Elon Reeve Musk oo ah Bilyaneer heysta Dhalashada Mareykanka & Koofur Afrika ayaa ku dhawaaqay in uu iibsanayo Kooxda Kubadda Cagta Manchester United ee Dalka Ingiriiska oo dhexda ka taagan xaalado aanay u wanaagsaneen kooxdu.

Bilyineerkaan ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in Manchester United uu ku Iibsado in ka badan $4 Bilyan (Afar bilyan oo dollar) si uu dib u habeyn ugu sameeyo uguna soo celiyo waayihii wanaagsanaa ee kooxdaan soo martay.

Elon Musk oo ah nin kaftan badan oo marar badan sidaan oo kale u sheegay in uu iibsanayo shirkado waaweyn markii dambena tilmaamay in uu kaftamayay weli si dhab ah uma caddeyn mowqifkiisa haddii uu dhab yahay & haddii kaleba.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu kusoo koobay “Waxa aan iibsanayaa Manchester United, soo dhawoow” balse ma jirin falcelin intaas ka baxsan oo ka timid qoyska reer Glazer ee kooxdaan gacanta ku haya.

Taageerayaasha Kooxda Kubadda Cagta Manchester United ayaa Sabtidii soo qaatay boor ku qoran “Reer Glazer Iibiya kooxda & ereyo kale”, waxa ay ka caroodeen in labada kulan ee billawga Horyaalka guuldarro ku daah-furato kooxda heysata 20ka Koob ee EPL-ka.

Qoyska reer Glazer ayaa diiday in ay Manchester United ka Iibiyaan Dhaxalsugaha Boqortooyada Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan, Malcolm Glazer ayaa kooxdaan iibsaday 2005tii, waxaana uu geeriyooday 28kii May 2014kii, qoyskiisa ayaa ku wareegay kooxdaan.

Hantida Elon Musk waxa ay dhan tahay $270 Bilyan (Labo boqol & todobaatan Bilyan oo dollar), taageerayaasha Red Devils (Shayaadiinta cas) waxa ay bilyineerkaan ku qalqaalinayaan in uu iibsado kooxdaan halkii uu lacag badan kula wareegi lahaa Shirkadda Twitter.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here