William Ruto Oo Loo Doortay Madaxweynaha 5aad Ee Dalka Kenya

0
259

William Ruto Oo Loo Doortay Madaxweynaha 5aad Ee Dalka Kenya

Guddiga doorashada dalka Kenya ayaa ku dhawaaqay Natiijada Rasmiga ah ee doorashadii dhawaan codadka la dhiibtay.

Guddiga ayaa si rasmi ah u shaaciyay Natiijada, waxaana Madaxweynaha 5aad ee dalkaasi noqday William Ruto, kaasi oo ka guulaystay Musharrixii la tartamayay ee Raila Odinga.

Lama oga waxa xigi doona Natiijada ay kud hawaaqeen Guddiga doorashda Kenya, waxaana saacadihii lasoo dhaafay la isla dhex-marayay warar ku aaddan in fowdo ay ka billaabto magaalooyinka waa weyn ee Kenya.

Cabsida ugu weyn ee la qabo ayaa ah in dalkaasi ay ak dhacaan Rabshado, waxaana hakad ku jira dhammaan isku socodka guud iyo ganacsiga dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here