Ukraine Oo Markab Sarreen Sida U Soo Dirtay Dalka Djibouti

0
284

Ukraine Oo Markab Sarreen Sida U Soo Dirtay Dalka Djibouti

Markab u kiraysan Qaramada Midoobay oo sida illaa 23,000 oo metric ton oo sarreen ah ayaa ka soo ambabaxay dekedda Yuzhne ee dalka Ukraine, isaga oo ku sii jeeda dalka Ethiopia, taasoo ah shixnaddii ugu horraysay ee nooceeda ah ee lagu caawinayo dalalka ay cunto yaraantu ka jirto, oo ka dhoofa dekedaha dalka Ukraine tan iyo bishii February ee sannadkan.

Markabkan ayaa la filayaa inuu ku xidho dekedda dalka Djibouti, halkaas oo lagaga dejin doono sarreenka iyo sahayda kale ee uu sido, iyada oo loo wareejin doono dalka Ethiopia, iyada oo la raacayo tilmaamaha hay’adda cuntada dunida ee WFP.

Dalalka Ukraine iyo Ruushka ayaa heshiis ku gaadhay dalka Turkiga bishii July 22-keedii, si dib loogu bilaabo in sarreenka, hadhuudhka iyo gallayda laga dhoofiyo dekedaha ku yaalla badda madow, iyaga oo aan carqalad la kulmaynin.

Itoobiya ayaa safka hore kaga jirta, shan dal oo ay sheegtay Qaramada Midoobay inay qarka u saaran yihiin inay ka dillaacaan macaluuli.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here