Boqortooyada Sucuudiga Oo Shaacisay Arin Ay Si Wayn Ugu Faraxday Dowlada Pakistan

0
267

Boqortooyada Sucuudiga Oo Shaacisay Arin Ay Si Wayn Ugu Faraxday Dowlada Pakistan

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay maalmaha soo socda iney shaacineyso arrin si weyn u faraxd gelinayo dalka Pakistan oo ay saaxibbada dhaw yihiin.

Warkan oo aan ka soo xigannay BBC Hindi oo soo xigatay Wargeyska Jang ayaa sheegaya Riyadh iney go’aan ku gaartay lacag dhan 3 balyan oo doolar inay ku shubto bangiyada Pakistan si looga caawiyo dhaqaalaha dalkaasi ee sii xumaanaya.

Wargeyska oo soo xigtay wakaaladda wararka boqortooyada Sacuudiga ayaa intaa ku daray toddobad gudahii wasaaradda maaliyadda Sacuudiga iney qorsheyneyso lacagtaasi iney ku shubto bangiga dowladda Pakistan.

Sida oo kale Riyadh waxay shaacisay wax soosaarka saliida oo qiima ahaan ku kacayo 100 malyan oo doolar 10-ka bilood ee soo socda iney bil walba Pakistan ku kaalmeeyneyso.
Wargeyska waxaa kale uu sheegay in kasta oo ay jirin wax war oo ay ka soo baxay Sacuudiga iyo Pakistan haddana Sacuudiga wuxuu qorsheynayaa inuu maalmaha soo socda uu qorshahaasi si rasmi ah u shaaciyo.
Sacuudi Carabiya waa isha ugu weyn uu dalka Pakistan ka helo Batroolka dalkaasi uu u baahan yahay.

Waxay sida oo kale Pakistan siiso kaalmo dhaqaale oo baaxad leh halka lacagta adag ee ugu badan oo Islamabad dibadda ka soo galana uu uga yimaaddo lacagaha ay soo xawilaan dadka shaqada u jooga Sacuudi Carabiya ee u dhashay dalka Pakistan.

Pakistan waxay Sacuudi Carabiya ka caawisaa taageera hagar la’aaneed oo dhanka hubka, tababarrada oo ay siiso ciidamada iyo duuliyeyaasha Sacuudi Carabiya.

Tani iyo 1970-kii ciidamada Pakistan waxay joogaan dalka Sacuudiga si ay Boqortooyada u ilaaliyaan.

Sacuudigana wuxuu ka mid ahaa dalalkii ugu horreeyey oo Pakistan aqoonsaday 1970-kii marki uu ka go’ay dalka Hindiya.

1951-kina waxay Riyadh iyo Islamabad ay wadagaleen heshiis iskaasi oo ilaa iyo hadda jira, waxaana xiriirkaasi dhidibbada u aasay Boqor Sacuud, halka Boqor Cabdulcaziiz oo xilligaa dhaxalsuga ahaann xiriirka labada dal uu gaarsiiyey ilaa iyo iskaashi militari.
Sacuudiga iyo Pakistan waxay iskaashi iyo wadashaqeyn xooggan ay lahaayeen xilliyadi ay socdeen dagaalki Pakistan iyo Hindiya 1965-kii dhacay iyo dagaalka Carabta iyo Israa’iil oo dhacay 1967-kii.

Dhaxalsugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan oo 2019-kii gaaray dalka Pakistan wuxuu u ballan qaaday dalka Pakistan balaayiin doolar inuu ku caawinayo.

Markii ugu dambeeysay oo xubin ka tirsan boqortooyada Sucuudiga uu booqdo dalka Pakistan ayaa ahayd sanadkii 2006-dii, xilligaasi oo boqorkii Sacuudiga boqor Cabdallah bin Cabdilcasiis uu booqday dalka nuklerka heysta ee Paskitan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here