Puntland Oo Xukun Dil Ah Ku Riday Rag Lagu Eedeeyay Inay Dilal Qorsheysan Geysteen

0
262

Puntland Oo Xukun Dil Ah Ku Riday Rag Lagu Eedeeyay Inay Dilal Qorsheysan Geysteen

Maxkamadda Racfaanka Ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa xukun dil ah ku ridey afar qof oo horey Maxkamada darajada koowaad ee shanta Gobol Ciidamada qalabka sida kusoo riday Xukun.

Ragga ay Maxkamadda xukunka ku riday ayaa lagu soo eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab, isla markaana qirtay inay dilal qorsheysan u geysteen qaar ka mid ah Nabaddoono iyo xubno kale oo kamid ahaa bulshada Gobalka Bari.

Afarta nin ee Maxkamadda qeybta Racfaanka Puntland xukunka ku riday ayaa waxaa ay magacyadooda kala yihiin Jaamac Aadan Cabdiririxman (Tusbaxle) oo lagu eedeeyay inuu Madax u ahaa xukumanayaashan.

2- Eedaysane Ayuub Cumar Shire, 3- Eedaysane Cabdullaahi Salaad Boos (Mahoonge) iyo Eedaysane Maxamuud Abshir Muuse (Olyo).

Sidoo kale xukumane lagu magacaabo Cabdiririxmaan Shirwac Ciise (Laahoor) oo maqane ahaa horayna ugu jiray dadkii Maxkamada darajada koowaad ku xukuntay Dilka toogasho ayaa maxkamadda Racfaanka ciidamada qalabka sida dib u dhigtay Xukunkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here