Xoghayaha Guud Xisbiga Talada haya ee Kenya oo sheegay in lagu shubtay Doorashada dhacday 9ka August 2022

0
245

Xoghayaha Guud Xisbiga Talada haya ee Kenya oo sheegay in lagu shubtay Doorashada dhacday 9ka August 2022

Xoghayaha guud ee Xisbiga Talada Kenya haya ayaa sheegay in lagu shubtay Doorashada ka dhacday Dalkaas 9kii August 2022 iyada oo aanay weli natiijada kasoo baxday codbixintaas uusan soo bandhigin Guddiga Doorashooyinka & Xuduudaha.

Sooma bandhigin caddeyn muujineysa eedeyntiisa ah in lagu shubtay Doorashada balse waxa ay muujisay in looga adkaaday Doorashadii dhacday Xisbiga Talada Kenya haya sida ay ku doodeen qaar kamid ah siyaasiyiinta Kenya.

Arrintaan waxa ay xoojisay dareenka laga qabo natiijada lala daahay ee laga sugayo Guddiga Doorashooyinka & Xuduudaha Kenya oo si hordhac usoo bandhigay codad isla siman oo ay kala heleen labada Musharrax ee midkood noqonaya Madaxweynaha 5aad ee Kenya.

Ganacsatada ayaa muujisay dareen ka dhashay eedeyntaas maadaama ay ka cabsi qabaan in la boobo goobahooda iyada oo la sameynayo rabshado lagu diidayo natiijada haddii ay soo baxdo si uu caro u muujiyo dhinaca laga guuleysto.

Kenya waxaa sooyaalka u galay murrano doorasho oo qaarkood dhiig ku daaday, maxkamadda dalkaas ayaa markii dambe go’aamisay natiijooyinka lagu murmay taasi waxa ay soo afjartay rabshadihii dhacay.

Guddiga Doorashooyinka oo keliya ayaa awood u leh soo gudbinta natiijada codadka ay tiriyeen, waxa uu heystaa 7 cisho oo laga billaabayo maalinta xigta waqtiga codeynta sida ay sheegeen xubno kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here