Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Hadlay Rabshadihii Ka Dhacay Somaliland, Fariina Diray

0
284

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Hadlay Rabshadihii Ka Dhacay Somaliland, Fariina Diray

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay rabashadihii maalmo kahor ka dhacay Magaalada Hargeysa iyo meelo kale oo kamid ah Somaliland.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi iyo mucaaradka Somaliland in khilaafoodka ku dhammeeyaan wada-hadal, lana qaboojiyo xiisada siyaaradeed ee ka jirta Somaliland.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhibaatadii ka dhalata rabshadaha ka dhacay Magaalada Hargeysa aysan ku koobnaa doonin kaligood oo ay saamey doonto dhammaan Soomaalida iyo Gobolka.

“Walaalayaal waxaan aad uga dardaarmeynaa, ha gaarina meel dibadda la idinka soo fara geliyo, meel Soomaali kale inay idiin soo gurmato aad u baahataan, waxa kaliya ee aad uga baaqsa kartaana waxay tahay, inaad wada fariisataan oo danihiina ka tashataan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dadka Somaliland looga baahan yahay inay ilaashadaan nabadda, xasilloonida iyo Wadajirka oo muhiim ah, maadaama oo uu xusay in dadkaas ay dowlanimo u sameeysan yihiin.

Gaba-gabadii Madaxeynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa Odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo bulshada Somaliland ugu baaqay inay kala dhexgalaan Xukuumadda iyo mucaaradka Somaliland, xiisadana la dejiyo, si loo wadahadalo.

Si kastaba Magaalada Hargeysan iyo meelo kale oo kamid ah Somaliland ayaa waxaa ka dhacay banaanbaxyo rabshado watay oo loo horjeeday Xukuumadda Biixi, waxaana banaanbaxyada ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here