Shiinaha oo go’aan ku gaaray in uu hakiyo wadahadallada kala dhaxeeyay Mareykanka.

0
288

Shiinaha oo go’aan ku gaaray in uu hakiyo wadahadallada kala dhaxeeyay Mareykanka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ayaa sheegtay in ay hakisay wadahadalladii siyaasadeed ee Xukuumadda Beijing ay la lahayd dhiggeeda Washington kaddib markii ay ku xad-gudubtay jiritaanka dhuleed oo Afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi ay booqatay Taiwan.

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda China ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu u dhaqmay si mas’uuliyad darro ah oo uu xushmad darro uu isaga indha-tiray ugu dhaqaaqay sidii uu u muujin lahaa in Taiwan gooni socod noqon karto iyada oo ka madaxbannaan Shiinaha.

Beijing ayaa 68 diyaaradood oo ah nooca Militariga Shiinaha & 13 Markab oo ah kuwa dagaalka ku wareejisay Taiwan si ay waji kale ugu sameeyaan safarka Afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi ay ku tagtay Jasiiraddaas.

Afhayeenka Golaha Wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi ayaa tagtay Jasiiradda Taiwan ee iskeed ugu dhawaaqday in ay ka madaxbannaan tahay Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, Beijing ayaa sameysay tallaabo ay ku muujineyso carada ay u qaaday Washington.

Mareykanka ayaa difaacay qorshaha safarka Nancy Pelosi ee Taiwan, Wasiirka Arrimaha dibadda Jasiiraddaas ayaa sheegay in socdaalka Haweeneydaan uu muujinayo sidii indhaha waddamo kale ugu soo jeesan lahaayeen waddankaan aan heysan aqoonsiga rasmiga ah.

Shiinaha & Mareykanka oo kamid ah 5 waddan ee Kuraasta Joogtada ah ku leh Qaramada Midoobay waxaa ka dhaxeeya xifaaltan dhinacyada Ganacsiga, Militariga & siyaasadda waana tan keentay in Washington xoogga ay saarto Taiwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here