Xubnaha Aqalka Sare ee Maraykanka oo ansixiyey xubinnimada Sweden & Finland ee NATO.

0
314

Xubnaha Aqalka Sare ee Maraykanka oo ansixiyey xubinnimada Sweden & Finland ee NATO.

Aqalka Senate-ka ee dalka Maraykanka ayaa ansixiyey xubinimada dalalka Sweden iyo Finland ee gaashaanbuurta NATO, waxaana codsiga ku biiritaanka labadan dal oggolaaday 95 mudane, halka uu diiday hal xildhibaan.

Tallaabadan ayaa diraysa fariin adag oo muujinaysa sida labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimoqraadigu uga midaysan yihiin siyaasadda ku aaddan ku biirista labadan dal iyo weliba in laga hortago dullaanka Ruushka.

“Codka NATO waa cod aad muhiim ugu ah amniga dalka Maraykanka iyo xasiloonida guud ee caalamka oo dhan, sidaas awgeed xubinimada Finland iyo Sweden waxay sii xoojinaysaa gaashaanbuurta NATO, taas oo ah ka hortag degdeg ah oo ku aaddan daandaansiga Ruushka iyo weliba duullaanka uu ku qaaday Ukraine” sidaas waxaa yiri hoggaamiyaha aqlabiyadda golaha Senate-ka Chuch Schumer.

Maraykanka waa mid ka mid ah 30-ka dal ee xubnaha ka ah gaashaanbuurta NATO ee ku qasban inay ansixiyaan xubinimada dalalka Sweden iyo Finland. Isbahaysigan ayaa dammaanad qaaday amniga Yurub, 70-kii sano ee ugu dambeeyey.

17 Maarso 2022 ayaa Madaxweynah Dalka Turkiga Erdogan sheegay in Dalkiisa uu ka soo horjeedo hindisaha Finland iyo Sweden ee ku biirista Nato, isaga oo ku tilmaamay Sweden inay tahay “Gabbaadka” ururrada argagixisada ah.

Turkiga ayaa labadan waddan ee waqooyiga Yurub ku eedeeya inay gabbaad siiyan xubno ka tirsan Xisbiga Shaqaalaha Kurdistan (PKK) oo ay u arkaan urur argagixiso, sidoo kale waxa uu ku eedeeyay inay taageeraan Fethullah Gulen oo ay xukuumadda Ankara ku eedaysay in uu ka dambeeyay isku daygii afgambi ee 2016-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here