RUUSHKA : Warshad Aad U Weyn Laguna Sameeyo Nukliyeerka Oo Xakamaynteeda Faraha Ka Baxday

0
274

Warshad Aad U Weyn Laguna Sameeyo Nukliyeerka Oo Xakamaynteeda Faraha Ka Baxday

Warshad aad u wayn oo lagu sameeyo tamarta nukliyeerka oo ay qabsadeen ciidamada Ruushka ee duullaanka ku galay Ukraine ayaa “gebi ahanaba faraha ka baxday”, sida uu shegay madaxa hay’adda arrimaha nukliyeerka u qaabilsan Qaramada Midoobay.

Rafael Grossi oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka ee Associated Press ayaa sheegay in warshadda Zaporizhzhia ay u baahan tahay dib u eegis iyo dayactir.

“Waxyaabo badan ayaa socda, oo aan loo baahnayn in ay ka socdaan meel u dhow warshad nukliyeer lagu sameeyo,” ayuu yiri.

Warshaddan oo ah tan ugu wayn qaaradda Yurub ee awoodda nukliyeerka ayaa si halis ah ugu dhow dagaalka so socda Ukraine.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken, ayaa horaantii Isbuucan Ruushka ku eedeeyay in warshaddaas, oo ay la wareegeen bishii March, ay u adeegsanayaan saldhig militeri oo ay ka weeraraan ciidamada Ukraine.

Saraakiisha dowladda Ukraine ayaa sheegay in Ruushka ay ciidamo geeyeen warshadda ayna qalab militeri ku kaydsadeen gudaha dhismaha warshaddan oo ku taalla meel u dhow webiga Dnipro ee mara waqooyiga Ukraine.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here