Markabkii u Horeeyey Ee Raashin Dhoofinay Oo Ka Shiracday Ukraine

0
383

Markabkii u Horeeyey Ee Raashin Dhoofinay Oo Ka Shiracday Ukraine

Sida ku cad heshiis ay ka shaqeeyeen Turkiga iyo Qaramada Midoobay bishii hore, kaas oo lagu aasaasay xarun si wada jir ah ula soconaysa dhoofinta cuntada ayaa labada dhinacba waxay ku heshiiyeen shixnadaha in rarkooda dib loo bilaabi karo.

Markabka Razoni, ayaa Isniintii ka baxay dekedda Odesa ee dalka Ukraine wuxuuna ku sii jeedaa dekedda Tripoli ee dalka Lubnaan.

“Kooxdu waxay sameeyeen kormeer saddex saacadood ah waxayna xaqiijiyeen in shaqaalaha iyo xamuulku ay yihiin kuwo la oggolaaday oo waafaqsan xogta xaruntu heshay ka hor inta aanu markabku ka dhoofin Odesa,” ayay Qaramada Midoobay sheegtay.

“Kooxda kormeerka wadajirka ah waxay fursad u heleen inay la hadlaan shaqaalihii markabka, waxayna heleen xog qiimo leh oo ku saabsan socdaalka markabka ee marinka bini’aadantinimo ee Badda Madow.

“Xaruntu waxay u isticmaali doontaa safarkan shaqadeeda joogtada ah ee nidaamka hagaajinta wanaagsan si ay awood ugu siiso sii wadida marinka badbaadada leh ee maraakiibta ganacsiga ee ka gudba Badda Madow.”

Ukrain ayaa sheegtay in maraakiibteeda badda ay ku hagi doonaan maraakiibta xamuulka ah ee mara biyaha ee miinaysan.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay inuu doonayo inuu arko dhoofinta cuntada oo mar kale noqota mid joogto ah. Marka laga yimaad fududaynta cunto yarida meelaha kale ka jirta waxa uu sheegay in uu rajaynayo in dhoofintu ay dhiiri galin doonto beeralayda Ukraine in ay dalagyo kale beeraan xilliga beero falashada ee soo socda.

Maamulka Ukraine ayaa sheegay inay jiraan 17 markab oo kale oo raashin sida oo sugaya inay ka baxaan dekedaha Badda Madow ee dalkaas marka Razoni uu si nabad ah u dhammeeyo socdaalkiisa.

Heshiiska u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine, ayaa soo afjarmay dhamaadkii bishii Luulyo ka dib laba bilood oo wadahadal ah, ayaa shaki la geliyay markii Ruushku uu laba gantaal ku riday dekedda Odesa wax ka yar 24 saacadood ka dib markii lagu dhawaaqay heshiiska.

Kalsoonida labada dhinac way yar tahay laakiin haddii la ilaaliyo heshiiska ayaa lagu wadaa inuu socdo 120 maalmood waana la cusbooneysiin karaa haddii labada dhinac ku heshiiyaan.

Ruushka iyo Ukraine ayaa soo saara ku dhawaad saddex meeloodow meel qamadiga aduunka loo dhoofiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here