Ruushka Oo Dalkiisa Ka Mamnuucay 240 Qof Oo u Dhashay Dalka Britian

0
367

Ruushka Oo Dalkiisa Ka Mamnuucay 240 Qof Oo u Dhashay Dalka Britian

Ruushka ayaa sheegay inuu cunaqabatayn ku soo rogay siyaasiyiin sar sare iyo dad caan ah oo u dhashay dalka Ingiriiska, kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay shaqaynayaan falal “shaydaannimo” oo ka dhan ah dalka Ruushka.

Wasaaradda arrimaha debedda ee Ruushka ayaa sheegtay in illaa 39 qof oo u dhashay dalka Britain in laga mamnuucay inay soo galaan dalka Ruushka, kuwaas oo ku biiri doona in ka badan 200 oo qof oo u dhashay dalka Britian oo ay Moscow hore ugu soo rogtay xayiraado kala duwan.

Shakhsiyaadka ku jira liiska dadka laga mamnuucay inay u safraan dalka Ruushka waxaa ka mida, hoggaamiyaha xisbiga Shaqaalaha Keir Starmer, ra’iisal wasaarihii hore David Cameroon iyo weriyaha caanka ah ee Piers Morgan.

Dowladda Britain ayaa si weyn u taageerta Ukraine tan iyo markii uu Ruushku weerarka ku qaaday dalkaasi, dhamaadkii bishii February. Inta badan siyaasiyiinta hormuudka ka ah Britain ayaa horay looga mamnuucay inay u safraan Ruushka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here