Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Ku Dhawaaqay Golihiisa Wasiirada Cusub Ee Xukuumadda

0
347

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Ku Dhawaaqay Golihiisa Wasiirada Cusub Ee Xukuumadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdii Barre ayaa ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirada Xukuumadda Cusub, waxaana kusoo laabtay oo mar kale qayb ka noqday Wasiirada Cusub xubno ka tirsanaa Xukuumaddii hore.

Sidoo kale waxaa Golaha Wasiirada ka mid noqday shaqsiyaad hadal heyntooda horay loo hayay, oo uu ka mid yahay Sheekh Muqtaar Robow Cali Abuu mansuur iyo shaqsiyaad kale oo saaameyn ku leh siyaasadda Soomaaliya.

Xubnaha Wasiirada Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse Barre ayaa ah 26 Mudane, halka sidoo kale ay aad u tirro badan yihiin Wasiir ku-xigeenada iyo Wasiiru-dowlayaasha.

Hoos ka Akhriso magacyada xubnaha Wasiirada ah ee la magacaabay

1- Saalax Axmed Jaamac, Ra’iisul Wasaare ku-xigeen

2- Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur, Wasiirka Awqaafta iyo Diinta

3- Xasan Macallin, Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka

4- Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha

5- Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, Wasiirka Maaliyadda

6- Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), Wasiirka Gaashaandhigga

7- Abshir Cumar Huruuse, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga

8- Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare

9- Maxamuud Cabdiraxmaan Beena Beene, Wasiirka Qorsheynta iyo Maalgashiga

10 -Jaamac ilka Jiir, Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka

11 -Fardowsa Cismaan Dhoore, Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka

12- Jaamac Xasan Khaliif, Wasiirka Boosatada iyo Isgaarsiinta

13- Xasan Xuseen Eelaay, Wasiirka Xananaada Xoolaha

14- Jibriil Cabdirashiid, Wasiirka Ganacsiga Warshadaha

15- Ismaaciil Sheekh Bashiir, Wasiirka Howlaha Guud iyo Gureyenta

16 -Khadiija Maxamed Diiriye, Wasiirka Haweenka

17- Dr. Crisaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta

18- Maxamuud Doodishe, Wasiirka Amniga Gudaha

19- Axmed Madoobe Nuunoow, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka

20 – Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Caafimaadka

21- Axmed Xasan Aadan, Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyeaadka Badda

22- Daa’uud Aweys Wasiirka Warfaafinta

23 – Biixi Iimaan Cige. Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha

24 – Jaamac Taqal, Wasiirka Korontada iyo Biyaha

25- Maxamed Barre Maxamuud, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaraaha

26- Khadiija Al-Makhzuumi, Wasiirka Bay’adda iyo isbddelka Cimiladda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here