Mareykanka Oo Duqeyn Cirka Ah Ku Dilay Hoggaamiyihii Al-Qaacidda

0
226

Mareykanka Oo Duqeyn Cirka Ah Ku Dilay Hoggaamiyihii Al-Qaacidda

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo Warbaahinta Dalkaas kala hadlay Shacabkiisa ayaa u sheegay in howlgal gaar ah oo ka dhacay Magaalada Kabul ee Caasimadda Afghanistan in lagu dilay hoggaamiyihii Al-Qaacida Ayman Al-Zawahiri.

Biden waxa uu tilmaamay in Sirdoonka Mareykanka ay daba socdeen macluumaadka halka lagu dilay Ayman oo ah goob uu saldhigtay illaa horraantii 2022, kahor inta uusan dhicin weerarkana uu bixiyay amarka lagu dilay Al-Zawahiri sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa la fuliyey caddaaladdii, Mareykanka oo si dhaw ula socday dhaqdhaqaaqa Al-Zawahiri kana feejigan waxyeello gaarto Dadka rayidka ah ayaa raad-raacay halka uu gabbaadka ka dhigtay Hoggaamiyaha Al-Qaacida oo ugu dambeyn lagu dilay Guri ku yaalla Magaalada Kabul, haatan ma noolo hoggaamiyaha ururkaan argagixisada ah” Joe Biden.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa Hoggaamiyaha Al-Qaacida Ayman Al-Zawahiri ku eedeeyay in uu qayb ka lahaa mas’uuliyadda Dad badan oo Mareykan ah oo ku dhintay weeraradii lagu burburiyay Daarihii Ganacsiga ee Mataanaha ahaa ee New York & Washington 11kii September 2011, Safaaradihii lagu weeraray Tanzania & Kenya, weeraro kale iyo muwaadiniin kale oo ku baxay Gacanta Al-Qaacida.

Ayman Al-Zawahiri waxa uu ahaa ku xigeenkii hoggaamiyaha Al-Qaacida ee Usama Bin Laden oo ku baxay Gacanta Mareykanka 2dii May 2011, waxa uu xilkaas hayay intii u dhaxeysay 1998dii ilaa 2011kii oo ah markii uu ku wareegay hoggaaminta Al-Qaacida.

Waa weerarkii ugu cuslaa oo uu Mareykanka ka geystay Afghanistan tan iyo August 2021kii oo ku beegan markii Ciidamadii Ameerikaanka iyo xulufadii la joogtay Dalkaas ay isaga baxeen halka maamulka guud ee gacanta u galay Taliban.

Ayman Maxamed Rabiic Al-Dawaahiri waxa uu ku dhashay Magaalada Giza ee Jamhuuriyadda Carabta Masar ee Waqooyiga Afrika 19kii June 1951dii, Al-Qaacida sida qorshuhu yahay waxa ay magacaabi doontaa hoggaamiyaha Baddelaya Ayman.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here