MW Guudlaawe oo ku dhawaad 2-sano kaddib magacaabay Golaha Wasiirada DG Hir-Shabeelle.

0
330

MW Guudlaawe oo ku dhawaad 2-sano kaddib magacaabay Golaha Wasiirada DG Hir-Shabeelle.

Madaxweynaha DG Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) oo xilkaas loo doortay 21 bil kahor (11kii November 2020) ayaa ku dhawaad labo sano kaddib magacaabay Golihiisa Wasiirada oo ay kasoo dhex muuqdeen Wasiirada qaar oo uu dib ugu celiyay xilalkii ay hayeen.

Magacaabista Madaxweyne Guudlaawe ayuu ku sheegay Xaanshida in wadatashi uu la sameeyay ku xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdixakiim Luqmaan & qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Wasiirada dib usoo laabtay waxaa kamid ah:

1-Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre, Wasiirka Amniga DG Hir-Shabeelle.

2-Iidle Siyaar Sheekh Khaliif, Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga & khayraatka Badda.

3-Maxamed Bashiir Qaasim (Daqarre) oo ahaa Wasiirka Beeraha & Waraabka ayaa loo baddelay Wasiir ku xigeenka Wasaaraddaas.

4-Maxamed Maxamuud Goodir oo loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa.

Wasiirka liiska laga waayay waxaa kamid ah, Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha & Dowladaha Hoose ee DG Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle.

Madaxweynaha DG Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa 27ka Wasiir ee uu magacaabay waxa uu Haweenka ka siiyay labo Wasaarad oo kala ah:

Haweenka & Xuquuqul insaanka oo uu u magacaabay Raxma Maxamed Guulle iyo Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Musiibooyinka oo uu u magacaabay Caasho Khaliif Maxamed.

Madaxweynaha DG Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) oo aan qabsan Munaasabadda Caleemo-saarka waxaa muddo ku qaadatay soo magacaabista Golihiisa Wasiirada maadaama uu galay muran siyaasadeed oo ka dhashay is weydaarsiga Madaxweynaha & ku xigeenkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here