Taliska Ciidamada Uganda Oo Ka Jawaabay War Kasoo Baxay Al-Shabaab

0
299

Taliska Ciidamada Uganda Oo Ka Jawaabay War Kasoo Baxay Al-Shabaab

Afhayeenka ciidamada Uganda, Brig Gen Felix Kulayigye, ayaa beeniyay in Ciidamo looga dilay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee dhawaan ka dhacay magaalada marka, kaas oo lagu dilay guddoomiyihii magaaladaas iyo qaar kamid ah ilaaladiisa.

Waxaa uu sheegay Afhayeenka in dhamaan askarta Uganda ee ku sugan Soomaaliya ay bad qabaan, islamarkaana aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay qaraxaas.

Al-Shabaab ayaa horay u sheegtay in weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay magaalada Marka ay kudileen 12 askari oo kamid ah Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS.

Brig Gen Felix Kulayigye Afhayeenka ciidamada Uganda waxaa uu hadalkiisa uu inatasi kudaray in Ciidamadooda ay weli ka wadaan Gobolka Shabeellaha Hoose howgalladooda dhinaca Amniga ah oo ay ku taageerayaan Ciidamada dowladda ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ku sugan ciidamada ugu badan ee ka socda dowladda Uganda kana mid ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, waaana mararka qaar ay weeraro kala kulmaan Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here