Iiraan oo ku dhawaaqday go’aan ay Hindiya ‘ka naxday’

0
293

Iiraan oo ku dhawaaqday go’aan ay Hindiya ‘ka naxday’

Waddan kasta waa loo oggol yahay in uu ku biiro isbahaysiga BRICS ee ay ku jiraan dalalka Brazil, Ruushka, Hindiya, Shiinaha iyo Koonfur Afrika. Iiraan ayaa ku dhawaaqday go’aan ku saabsan inay ku biirayso ururkaas. Laakiin tallabadaas ma aha mid u fiican Hindiya.

Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa tebisay in xukuumadda Tehran ay gudbisay codsiga ay ku dalbanayso ku biirtaanka BRICS.

Go’aanka Iiraan ayaa hadda laga fiirsanayaa waxaana suuragal ah in uu hirgalo.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Saeed Khatibzadeh, ayaa sheegay in xubinnimada Iiraan ee BRICS ay noqon doonto mid faa’iido ugu jirto labada dhinacba.

Codsiga Iiraan mid la mid ah waxaa gudbisay dowladda Argentina oo danaynaysa inay iyadana ku biirto ururkaas.

Wakaaladda Wararka Tass ee laga leeyahay Ruushka ayaa qortay: “Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan wuxuu ku dhawaaqay in codsiga horay loo gudbiyay, sidaas awgeedna uu madaxweynaha Shiinaha shirkii BRICS ugu casuumay madaxweynaha Iiraan, Ibrahim Raisi, si uu khudbad uga jeediyo halkaas.”

Shirkii 14-aad ee waddamada ku bahoobay BRICS ayaa dhacay 23-kii ilaa 24-kii bishan June.

Waxaa shir guddoomiynayay madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, martiqaadkiisana waxaa uga qayb galay hoggaamiyaha Iiraan.

Inta uu socday shirka, Ibrahis Raisi waxa uu jeediyay khudbad uu uga hadlay saamaynta ka dhalatay cudurka safmarka ah ee Covid-19, isbaddalka cimilada, ismariwaaga dalalka adduuka ee ku saabsan nabadda caalamka iyo xiriirka.

 

Bbc

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here