Madaxweynaha Ruushka Oo Farriin Hanjabaad Ah U Diray Finland, Sweden Iyo NATO

0
278

Madaxweynaha Ruushka Oo Farriin Hanjabaad Ah U Diray Finland, Sweden Iyo NATO

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa ku eedeeyay NATO inay leedahay hammi boqortooyo, iyadoo xulafada reer galbeedka ay ballanqaadayaan inay kor u qaadayaan taageerada ay siiyaan Ukraine.

Isagoo ka hadlayay dalka Turkmenistan ayuu Mr Putin u sheegay saxafiyiinta in xubnaha NATO aysan wax dan ah ka lahayn wanaaga dadka reer Ukraine.


HomeCaalamka
Madaxweynaha Ruushka Oo Farriin Hanjabaad Ah U Diray Finland, Sweden Iyo NATO
On Jun 30, 2022

Share
Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa ku eedeeyay NATO inay leedahay hammi boqortooyo, iyadoo xulafada reer galbeedka ay ballanqaadayaan inay kor u qaadayaan taageerada ay siiyaan Ukraine.

Isagoo ka hadlayay dalka Turkmenistan ayuu Mr Putin u sheegay saxafiyiinta in xubnaha NATO aysan wax dan ah ka lahayn wanaaga dadka reer Ukraine.

RELATED POSTS
Xildhibaanada Labada Aqal Oo Maalintii Saddexaad Su’aalo Adag Weydiinaya Wasiir Beyle

Jun 30, 2022
Dhageyso:-Warka Subaxnimo Ee Radio Dalsan 30/06/2022

Jun 30, 2022
Dhageyso:- Barnamijka Wareegga Wararka 24-Ka Saac Ee Radio Dalsan 29/06/2022

Jun 29, 2022
Waxa uu sheegay in Ruushku uu jawaab celin ka bixin doono ciidan kasta oo dheeraad ah oo la geeyo dalalka Sweden iyo Finland, kuwaas oo ku guda jira geeedii socodka ka mid noqoshada isbahaysiga NATO.

Inta la ogaaday waa safarkii ugu horeeyay ee Mr Putin uu ku tago meel ka baxsan Ruushka tan iyo markii uu bilowday duulaanka. Shir madaxeedka Madrid, madaxa NATO, Jens Stoltenberg, ayaa ballanqaaday taageerada Ukraine ilaa iyo inta ay ku qaadato.

NATO ayaa si rasmi ah Sweden iyo Finland ugu casuuntay inay ku soo biiraan isbahaysiga – iyagoo soo afjaraya dhexdhexaadnimadooda milatari ee tobanaanka sano ay wadeen. Turkiga ayaa ka soo horjeestay go’aankaasi, isagoo ku eedeeyay labadan waddan inay martigeliyaan dhaqdhaqaaqayaasha Kurdiyiinta oo uu Turkiga u arko urur argagixiso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here