Ra’iisul Wasaare Xamse Barre Oo Maanta Si Rasmi Ah Uga Shaqo Bilaabay Xafiiskiisa

0
241

Ra’iisul Wasaare Xamse Barre Oo Maanta Si Rasmi Ah Uga Shaqo Bilaabay Xafiiskiisa

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta oo Arbaco ah si rasmi ah uga shaqo bilaabay Xafiiskiisa, kadib markii shalay uu xilka kala wareegay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadii xilgaarsiinta aheyd ee Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisu Wasaare Xamse Barre ayaa laga sugayaa inuu soo dhiso Xukuumadda cusub ee Golihiisa Wasiirada, isagoona horey u ballan qaaday inuu soo dhisayo Xukuumad lagu soo xulay qibrad iyo waayo-aragnimo, isla markaana uu sameeyn doono la-tashiyo kala duwan.

Xildhibaano iyo siyaasiyiin badan oo ay ku jiraan wasiiro xilka haya hadda ayaa wada dadaallo xooggan oo ay uga soo dhex muuqanayaan Golaha Wasiirada cusub, ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ka bilaabaya kulamo wadatashi ah, isagoona kadib soo magacaabaya Golihiisa Wasiirada oo ay horyaalan shaqooyin farabadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here