Qaraxyo Xooggan Oo Ka Dhacay Magaalo Kamid Ah Itoobiya

0
319

Qaraxyo Xooggan Oo Ka Dhacay Magaalo Kamid Ah Itoobiya

Qaraxyo ayaa ka dhacay afar goob oo kala duwan oo ku yaalla magaalada Bahir Dar ee waqooyiga dalka Itoobiya, sida ay boolisku sheegeen.

Tani ayaa muujinaysa in ammaanka gobolka Axmaarada oo ah gobolka labaad ee ugu weyn dalka Itoobiya uu sii xumaanaya.

Sida ay sheegtay Afhayeenka booliiska, qaraxyada lala bartilmaameedsaday goobo “istaraatiiji” oo ah gudaha magaalada, xarunta u ah gobolka, waxaana loola dan lahaa in lagu ‘argagixiyo shacabka’.

Ma aysan shaacin in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, balse waxay xaqiijisay in lix qof oo looga shakisan yahay inay falkaasi kadambeyeen ay gacanta lagu soo dhigay.

Dadka deegaanka ayaa BBC-da u sheegay in xaalada magaalada ay maanta deggeneyd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here