Axmed Madoobe Oo Warbixin Ka Siiyay Golaha Wasiirada Jubbaland Isbedelkii Dhacay

0
295

Axmed Madoobe Oo Warbixin Ka Siiyay Golaha Wasiirada Jubbaland Isbedelkii Dhacay

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Ismaan Axmed Madoobe ayaa maanta shir gudoomiyey kulanka golaha wasiiradda Jubaland oo ka qabsoomay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Kulanka golaha wasiiradda ayaa todobaadkan waxaa Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam uu oga warbixiyey golaha xaalada amniga, isbadalka doorasho ee ka dhacay dalka iyo guud ahaan arimaha siyaasada, Ra’isul wasaaraha cusub ee lasoo magacabay ayuu alle oga baryey in uu ku asturo masuuliyada adag ee loo dhiibay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu soo idlaaday ololahii doorashada ee mudada fog lagu soo jiray, waxa uu faray golaha wasiirada in la dar dar galiyo shaqooyinka hortabinta leh wasaaradaha kuwaa oo ay ugu horeeyaan Hirgalinta golayaasha deegaanka, magacaabida degmooyin cusub iyo arimo kale.

Kulanka qaybihiisi dambe waxa warbixino soo jeediyey wasaaradda Amniga iyo sidoo kale wasaaradda Deegaanka iyo Dalxiiska Jubaland.

Wasiirka Wasaaradda amniga Jubaland Jeneraal Yuusuf Xuseen Dhuumaal ayaa kulanka golaha wasiirada kahor aqriyey warbixino la xiriira xaaladda amniga ee deegaanada Jubaland.

Sidoo kale Wasiirka Deegaanka iyo Dalxiiska Jubaland Caydiid Saleebaan Xaashi ayaa golaha oga warbixiyey tababaro kala duwan oo ay wasaaradu u qabatay ergo ka kala timid magaalaooyinka Afmadow, Ceelcade, iyo Guriceel tababarka oo looga hadlayey dhibaatada ay leedahay jarista dhirta iyo xaalufinya deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here