Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan Oo Ku Dhawaaqay Howlgal Culus

0
479

Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan Oo Ku Dhawaaqay Howlgal Culus

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay in dhawaan uu billaabi doono howlgal cusub oo militari oo laga sameyn doono xadka dhanka koonfureed, si loola dagaallamo khatarta argagixisada ee halkaasi ka jirta.

Bartilmaameedka ugu weyn ee howlgalkan ayaa noqon doona in dib loo bilaabo dadaallada lagu abuurayo aag nabdoon oo 30-km ama (20-mile) ah oo ku teedsan xudduudda Turkiga uu la wadaago Suuriya, ayuu Erdoğan ku sheegay khudbad telefishanka dalkaasi laga sii daayay.

Ma uusan bixin faah faahin intaas ka dheeri ah, balse wuxuu sheegay in howlgallada la billaabi doono marka ay dhameeyaan diyaar garowga ciidamada,kuwa sirdoonka iyo nabadsugidda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here