Somaliland Oo Ugu Dambeyntii Xukun Ku Ridday Samafale Cabdi Maalik Muuse Coldoon

0
342

Somaliland Oo Ugu Dambeyntii Xukun Ku Ridday Samafale Cabdi Maalik Muuse Coldoon

Somaliland ayaa xukun ku ridday samafale Cabdi Maalik Muuse Coldoon, oo in muddo ah u xirnaa, waxaana tiro dhowr jeer oo hore loogu waayay wax dambi ah, balse saaka ayaa lagu riday Xukun.

Maxkamadda Racfaanka ee Hargeysa ayaa 2 sanno oo xabsi ah iyo 3 Milyan oo lacagta Somaliland ah ku xukuntay Samafale Abdimalik Coldoon.

Cabdi Maalika Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ayaa hore wax dambi ugu wayday, Coldoon balse ugu dambeyn saaka ayey xukuntay Maxkamadda Racfaanku, iyadoo labo sano oo xabsi ah lagu riday.

Cabdi Maalik ayaa dhibbane u ahaa Xukuumadda Somaliland sanadihii lasoo dhaafay, iyadoo Xabsi muddo dheer ah uu ku qootay sababo aan caddeyn, waxaana Xusid mudan in Ehelada Cabdi Maalik iyo mas’uuliyiin sarsare ay si weyn kaga dhiidhiyeen xariigga, iyagoo sheegay in uu yahay mid sharci darro ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here