Maxbuus Jir-Dil Darti Ugu Geeriyooday Xabsi Kuyaalla Degmada Qardho

0
218

Maxbuus Jir-Dil Darti Ugu Geeriyooday Xabsi Kuyaalla Degmada Qardho

Warar dheraad ah ayaa kasoo baxaya maxbuus lagu dhexdilay Xabsi ku yaalla Degmada Qrdho ee degaanada Dowlad Goboleedka Puntland, kaasi oo kamid ahaa maxaabiista ku xiran xabsiga degmada Qardho.

Wararka aynu helnay ataa tibaaxaya in Maxbuuska geeriyooday uu sababsaday jir-dil aad u daran oo loo gaystay, kaasi oo ugu dambeyntii uu u geeriyyday, sida ay xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah.

Marxuumka geeriyooday ayaa lagu magacaabi jiray Sharma’arke Warsame Nuux, waxaana uu ka mid ahaa Maxaabista ku xiran Xabsiga Degmada Qardho.

Mas’uuliyiin ka tirtsan laamaha Amniga magaalada Qardho xaqiijiyay geerida marxuumka, waxaana intaa ay ku dareen in baaritaan lagu hayo dilka iyo sababaha rasmiga ah eek a dambeeyay in Marxuumkaasi Xabsiga ku geeriyoodo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here