Madaxwayne Xasan Sheikh Oo Si Rasmi Ah Ula Wareegay Xilka Madaxweynaha

0
244

Madaxwayne Xasan Sheikh Oo Si Rasmi Ah Ula Wareegay Xilka Madaxweynaha

Madaxweyne Maxamed cabdullaahi Farmaajo ayaa si rasmi ah Xilka ugu wareejiyay madaxweynaha Dhwaan la dortay ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, kaasi kusoo baxay doorashadii dhacday.

Munaasabadda Xil-wareejinta oo saaka ka dhacday Madaxtoyada Qaranka ayaa ayuu Madaxweynha Cusub ee Soomaaliya kula wareegay Xilka dhawaan loo doortay, waxaana wixii maanta ka dambeeya uu si toos ah u guda gali doonaa howlaha muhiimka ah ee horyaalla dowladda Cusub ee uu hoggaanka u qabtay.

Sidoo kale Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha hadda Xilka ka degaya ayaa Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya ku wareejiyay Feylka Ciidamo Soomaaliyeed oo tababar loogu qaaday dalka Eriteria, kuwaasi oo dood xooggani ka dhalatay qaadistooda.

Farmaajo ayaa Madaxweyne Xasan Sheikh ku wargaliyay in Ciidamadu ay dhammeysteen Tababarkii loo qaaday, haatanna ay diyaar u yihiin in dalka dib loogu soo celiyo.

Madaxweynaha Xilka la wareegaya oo isna goobta ka hadlay ayaa u mahadceliyay Framaajo, waxaana uu intaa ku daray in uu la wareegay Feylasha Ciidanka iyo arrimo kale oo muhiim ay tahay in lasii amba-qaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here