Shil sababay dhimashada 2 Arday & dhaawaca 42 kale oo ka dhacay Turkiga.

0
303

Shil sababay dhimashada 2 Arday & dhaawaca 42 kale oo ka dhacay Turkiga.

Bas waday Arday Jaamacadeed oo wax ka dhigta Gobolka Anatolia ee Turkiga ayaa galay shil sababay dhimada 2 Arday halka ay dhaawacmeen 42 kale sida ay xaqiijiyeen saraakiil caafimaad oo Warbaahinta la hadlay.

Kooxaha gurmadka degdega ah ayaa tagay goobta iyaga oo qaaday Ardayda Dhaawaca soo gaaray si ay u helaan daryeel Caafimaad, maamulka Gobolka Anatolia ayaa sheegay in la hubinayo dhaawacyada soo gaaray Ardaydaas.

Maamulka Jaamacadda ay wax ka baranayeen Ardaydaan ayaa arrintaan ku tilmaamay musiibo maadaama shilkaan uu sababay geerida labo Arday iyo dhaawaca 42 kale oo baaris lagu wado sida ay wax u gaareen.

Gobolka Anatolia waxaa ku badan shilalka, maamulka Gobolkaas ayaa sheegay in uu wax ka qaban doono waxyaabaha sababa shilalkaas si loo yareeyo halista joogtada ah ee laga soo wariyo sida uu hadalka u dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here