Shil Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Maanta Ka Dhacay Duleedka Hargeysa

0
262

Shil Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Maanta Ka Dhacay Duleedka Hargeysa

Wararka aan ka heleyno deegan hoostega Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Maamulka Somaliland ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas Maanta uu ka dhacay shil gaari oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo gaaray dad.

Shilkaan ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii ay isku dhaceen laba gaari oo kala ahaa gaari Booyad ah iyo mid kale oo nooca Soomaalida u taqaano iska rogaha, kuwaasi oo iskaga horyimid agagaarka tuulada Burcada-yar ee Bariga Hargeysa.

Inta la xaqiijiyay 5 qof ayaa ku dhintay shilka, halka tirro kale oo dad ah ay dhaawacyo soo gaareen, waxaana dhammaan dadkii ay kamid yihiin dadkii saarnaa gaariga, dhaawacyada ayaa loola cararay Isbitaalka weyn ee Magaalada Hargeysa.

Ciidanka ilaalada waddooyinka Somaliland ayaa tegay goobta uu shilka ka dhacay, isla markaana wada baaritaano la xiriira sida uu shilkaas ku dhacay, waxaana goobta laga jiiday labada gaari ee isku dhacay.

Sawirro laga soo qaaday gaariga shilka ayaa muujiyay burbur xoogan oo gaaray gaadiidka, iyadoona mid kamid ah gaadiidka isku dhacay uu dab ka kacay, kadibna uu burburiyay intiisa badan.

Si kastaba deegaano iyo degmooyin ka tirsan Somaliland ayaa waxaa dhowr jeer oo horey sidaan oo kale uga dhacay shilal kala duwan oo khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac geystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here