Mareykanka Oo Safka Hore Ka Galay Waddamada Dadkodu Ay U Dhintaan Isticmaalka Maandooriyaha

0
313

Mareykanka Oo Safka Hore Ka Galay Waddamada Dadkodu Ay U Dhintaan Isticmaalka Maandooriyaha

Maraykanka ayaa markale dhigay rikoodh cusub, iyada oo ay sii kordhayso tirada dadka u dhinta isticmaalka xad-dhaafka ah ee dawooyinka iyo daroogada, waxaana sannadkii hore la diiwaangeliyey in ka badan 107,000 oo qof sida ay shaacisay xarunta Xakamaynta iyo ka hortagga cudurada ee dalka Maraykanku.

Tiradan la soo saaray ayaa ka badan 15% tiradii la diiwaangeliyey sannadkii hore ee 2020, waxaana taasi ay la macno tahay inay in ugu yaraan uu hal qof u dhinto 5-tii daqiiqoba, isticmaalka xad-dhaafka ah ee daawooyinka iyo daroogada.

Dhimashada xad-dhaafka ah ee daroogada iyo daawooyinka ee Maraykanka ayaa kor u socotay labaatankii sano ee u dambeeyey.

Dr. Rahul Gupta oo ah Agaasimaha Xafiiska Aqalka Cad ee Siyaasadda Qaran ee Xakamaynta Dawooyinka ayaa arrintan ku tilmaamay inay tahay mid aan la aqbali karin, isaga oo sheegay in intaraatejiyadda cusub ee madaxweyne Biden ee ku aaddan xakamaynta daawooyinku inay calaamad u tahay, in la dardargeliyo siyaasadda lagu xakamaynayo isticmaalka daroogada iyo dawooyinka sida xad-dhaafka ah loo isticmaalo, iyada oo xuddun looga dhigayo badbaadada shakhsiyaadka iyo bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here