Waa maxay fariinta Reer Galbeedka ay ka sugayaan khudbadda Madaxweyne Putin?

0
405

Waa maxay fariinta Reer Galbeedka ay ka sugayaan khudbadda Madaxweyne Putin?

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa maanta jeedinaya khudbad ay wada sugayaan waddamada reer Galbeed waxa uu uga hadlayaa munaasabadda loogu magac daray “Maalinta Guusha” oo ku beegan 9ka May.

Maalintaan waa markii Midowgii Soviet uu ka adkaaday Naasigii Jarmalka oo lagu jebiyay dagaal dhacay 8dii May 1945tii, Madaxweynihii hore ee Ruushka Boris Yeltsin ayaa qabtay sanad-guuradii 50aad ee dhacday 1995tii.

Madaxweynaha talada Ruushka haya ee Putin ayaa sanadkii 2008dii ka dhigay munaasabad sanad weliba marka la gaaro 9ka May laga maamuuso Dalkaas, khudbad uu uga hadlayo xaaladda dalka ayuu jeediyaa.

Munaasabaddaan maxay uga duwan tahay kuwii hore?

9ka May 2022, waxa ay kusoo aadday xili Dowladda Ruushka ay dagaal xooggan ka wado waddanka xadka ay wadaagaan ee Ukraine, Hoggaamiyaha Dalkaas ayaa go’aan qaraar oo dagaal ciidankiisu ku galeen Ukraine qaatay 24-Feb-2022.

Waddamada reer Galbeedka ayaa indhaha ku haya khudbadda Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo ay u badinayaan in uu ku dhawaaqi karo howlgallo horleh oo ciidankiisa ka sameeyaan Ukraine.

La soco wixii kasoo kordha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here