Boqortooyada Sacuudiga Oo Ka Hadashay Xaaladda Caafimaad Ee Boqor Salmaan

0
336

Boqortooyada Sacuudiga Oo Ka Hadashay Xaaladda Caafimaad Ee Boqor Salmaan

Boqortooyada Sucuudiga ayaa sheegtay in boqorka dalkaasi Boqor Salmaan la dhigay isbitaalka Boqor Feysal ee Riyadh, halkaas oo lagu sameeyay baaritaano kala duwan, natiijadana ay noqotay mid caafimaad qab ah.

Balse dhaqaatiirta ayaa go’aansaday in ay boqorka kusii hayaan isbitaalka, si baa la yiri uu ugu nasto meesha. Boqor Salmaan ayaa hadda jira 86 sano.

Boqorka ayaa la wareegay xilka ilaaliyaha labada Masjid ee Xaramka sanadkii 2015-kii, ka dib markii uu labo sano iyo bar uu ahaa dhaxal sugaha iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here