Diyaargarowga kulanka BFS uu ku xulayo Guddiga Doorashada Madaxweynaha 10aad oo Muqdisho ka socda.

0
547

Diyaargarowga kulanka BFS uu ku xulayo Guddiga Doorashada Madaxweynaha 10aad oo Muqdisho ka socda.

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda diyaargarow kulan Xildhibaannada Golaha Shacaabka & Senatarada Aqala Sare Baarlamaanka 11aad JFS uu ku yeellanayo Xarunta Villa Hargeysa si loo xulo guddiga Doorashada Madaxweynaha 10aad ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa fasax kooban siiyay Xildhibaannada aqalkaas si 4ta May 2022 oo Arbacada ah dib ugu soo laabtaan xaruntooda maadaama ay sugeyso Doorashada Madaxweynaha Dalka.

Aadan Madoobe ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka u sheegay in muddo kooban lagu dooran doono Madaxweynaha 10aad JFS si loosoo gabagabeeyo Doorashada Soomaaliya oo muddo fog qaadatay.

Afhayeenka Golaha Shacabka ayaa dhanka kale sheegay in Baarlamaanka 11aad howlaha horyaalla ee ka baxsan Doorashada Madaxweynaha 10aad ay tahay in uu ansixiyo miisaaniyadda Dalka.

Muqdisho waxaa ka socda diyaargarow ay wadaan Xildhibaannada iyo Senatarada Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka ee 11aad, Guddoonka labada Aqal ayaa qudhooda kulamo dhexdooda yeeshay si ay uga arrinsadaan fadhigaan.

Musharixiinta u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha 10aad ayaa qudhooda la kulmay Xildhibaannada, Senatarada iyo Guddoonkooda si ay meel u wada dhigaan Doorashada Madaxweynaha dalkaan hoggaamin doono 2022-2026.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here