Axmed Karaash Oo Ku Dhawaaqay Inuu La Wareegay Mas’uuliyadda Maamul Ee Puntland

0
390

Axmed Karaash Oo Ku Dhawaaqay Inuu La Wareegay Mas’uuliyadda Maamul Ee Puntland

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland ahna ku simaha madaxweynah maamulkaas, Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) oo xalay saqdii dhexe bartiisa Facebook ku daabacay war qoraal ah ayaa sheegay in mas’uuliyadda maamulkaasi uu la wareegay maaddaama uu madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ka maqan yahay Puntland.

Arrintaan ayuu Karaash u daliishaday qodobbo dastuuri ah isaga oo sheegay in aanu dhici karin firaaq dastuuri maaddama xilli adag oo dhibaatooyin is biirsaday ay jiraan lagu jiro.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Haddaba, waxaan u cadaynayaa shacab-waynaha reer Puntland in Dalku uusan geli karin firaaq dastuuri ah, xiligan adag oo shacabku la daalaa-dhacayaan abaar baahsan, dhaqaalo xumo iyo shaqo la’aanta haysata dhallinyarada reer Puntland”.

Sidoo kale warkaan barta facebook ee madaxweyne ku ixgeenka lagu daabacay ayaa lagu muujiyay in madaxweynuhu aanu waajibaadkiisa shaqo aanu si ku meel gaar ah u guda karin taas oo keenaysa in howshu ku wareegto madaxweyne ku xigeenka iyadoo loo cuskanayo qodobada dasuurka maamulkaas.

“Ugu danbayntii, mar haddii Madaxweynuhu uusan si ku meel-gaar ah u gudan karin waajibaadkiisa Dastuuriga ah sida ku cad qodobka 81-aad ee Dastuurka Puntland, farqadiisa 1-aad dhammaan masuuliyadaha iyo waajibaadkii dastuuriga ahaa waxay si ku meel gaar ah ugu wareegayaan una gudanaaya anigoo ah Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland si waafaqsan Dastuurka, Shuruucda iyo Qawaaniinta kale ee u degsan Puntland”, ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash).Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland ayaa faray hay’adaha dowladda inay u hoggaamsamaan dhowrista dastuurka Puntland.

hadalkaan ayaa ku soo aadaya xilli madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo musharrax u ah xilka madaxtinimada dowladda federaalka Soomaaliya uu hadda ku suganyahay magaalada Muqdisho halkaa oo uu tagay howlaha doorashada. Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Saciid Deni oo arrintaan la xiriira. Balse durba dadka qaar ayaa muujinaya in arrintaan ay u muuqan karto khilaaf hase yeeshee wali ma jirto xaqiiqda ah inuu jiro khilaaf.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here