Baro 7 Arrimood Ee Adkeenkara Xiriirka Jaceyl.

0
1831

Baro 7 Arrimood Ee Adkeenkara Xiriirka Jaceyl.

Waxyaabaha ka dhiga xiriirka lamaanaha mid ku dhisan is aaminaad iyo jacayl waa mid u kala duwan laamane kasta oo isqaba, waxyaabahaan oo dhan ma ahan kuwo ku yimaada laba cisho gudahood.

Hadii aad u baahan tahay xiriirka kaala dhexeeya lamaanahaaga in uu noqdo mid adag, waxaa lagaa rabaa inaad dadaal kubixisid sida aad u adkayn lahayd.

Qodobada hoos ku qoran ayaa ah dabeecado sameyn kara, ama joogteyn karana xiriir caafimaad iyo farxad leh.

Aaminaad

Aaminaadu ma ahan wax lais siiyo ee waa wax la shaqeysto oo lagaaro heer aad noqotid qof la aamin sanyahay, waxaa jira dad badan oo dhib ku qaba fahamka moowduuca aaminaadda, hadii aan soo koobo aaminaadu waa shey qaali ah, hadii aad burburisid aaminaada uu kugu qabay lamaanahaaga, waxay qaadaneysaa waqti dheer inaad dib usoo celisid.

Waxaa lagaaga baahan yahay inaad xaqiijisid in aad tahay qof uu lamaanahiisa/lamaanaheeda ku tiirsanaan karo, sidoo kale aamin sanaan karo, majiri karo xiriir wanaagsan hadii ay is aaminaad la’aan jirto.

Is faham

Is fahamka waa furaha ugu horeeya ee xiriir wanaagga, hasa yeeshee qof kasta ma fahamsana sida loo abuuro is fahan wanaagsan oo ka dhexeyn kara labada lamaane, hadii aad rabtid inuu jiro is faham waxaa lagaaga baahan yahay inaad ka hadashid waxyaabaha ku dhibaaya shakhsiyan iyo waxyaabaha lamaanahaaga si gaar ah udhiba, is fahan wanaagsan majiri karo hadii aad tahay daneyste jecel inuu ka hadlo waxyaabaha asaga un dhibaaya, oo aan jecleyn inuu dhag jalaq usiiyo waxa ay lamaanihiisa ka sheeganeyso.

Si uu xiriirka u kobco waxaa labada lamaane looga baahan yahay iney xal uraadiyaan dhibaatooyinka jira si ay uwadaagan xiriir ay labadooda ku faraxsan yihiin. Mararka qaar waxaa jiri kara waxyaaba aadan jeclayn inaad kala hadashid xaaskaaga, hasa yeeshee waa muhiim in uu jiro khad ka dhexeeya labada lamaane oo ay isugu soo gudbin karaa dareemahooda.

Qaado waqti aad kagala sheekeysatid lamaanahaaga dhibaatooyinka soo kordhay si aad ugu raadisid xal.

Xiriir adag

Dabcan xiriir adag waa shay fudud in afka laga dhaho oo ay adagtahay in laga dhabeeyo, si aad usameysid xiriir adag waxaa lagaaga baahan yahay inaad si wanaagsan u baratid lamaanahaaga sababtoo ah waa qof laga yaabo inaad nolosha isla dhameysataan, waa muhiim inaad si daacad nima ah isugu daydid inaad baratid waxa uu jecel yahay/shahay, waxa uu neceb yahay/tahay, waxa uusan ka helin iyo waxa farxad geliya.

Xiriir adag wuxuu qeyb wayn ka ciyaaraa sii socoshada nolosha ka dhexeysa labada lamaane khaasatan si caafimaad ay ku dheehan tahay.

Daacad nimo

Daacad nimada waa arin kale oo si wayn uga qeyb qaadata xiriir wanaaga. Majiro qof jecel in been loo sheego.

Khiyaanada waa nooc kamid ah daacadnimo xumo, sidaa darteed ha gelinin naftaada xaaladahaas oo kale. Marka lamaanahaaga uu yahay daacad, majirto wax aad ka walwashid oo kugu saabsan.

Marka aad tahay daacad waxaad siineynaa lamaanahaaga dareen rajo iyo aaminsanaan, laakin hadii aysan jirin daacad nimo majiro wax lagu tilmaami kara xiriir. Daacad nimada waa shey aad looga mahad celiyo oo dadka intooda badan aysan ka war qabin.

Xaqqa laguugu lee yahay

Waa muhiim labada lamaane iney ka warqabaan xaqqa ay isku leeyihiin oo ay diintu sheegtay, waa lagama maarmaan in ay ulaabtaan diinta oo ay sameeyaan cilmi baaris ku saabsan xaqa ay isku leeyihiin, oo ay dadaal dheeraad ah ku bixiyaan sidi ay noloshooda ugu dabaqi lahaayeen waxyaabaha ay diinta sheegtay, tusaale hadii aan usoo qaato, Nabi Muxamad NNKH wuxuu yiri “Kiina ugu wanaagsan waa kan uwanaagsan xaaskiisa”.

Kalsooni

Kalsoonida waa shey dad badan ay aaminsan yihiin inuu yahay wax lagu dhasho, kuwo kalana waxay aaminsan yihiin inuu yahay wax la is bari karo.

Waxaad ubaahan tahay inaad noqotid qof isku kalsoon, majirto qof rabo xaas  aan ku kalsoonayn qoruxdeeda/qurxdiisa ama cilmiga uu ilaahay siiyay, taas macnaheeda ma ahan inaad iskibrisid ama aad noqotid qof isla qobweyn.

Kalsoonidu waa hanti maguurto ah sababtoo ah majiro qof kaa qaadi kara kalsoonida ilaa aad adiga u ogolaato mooyee.

Mahadnaq

Waxaan inta badan ilownaa inaan umahad celino dadka aan la nool nahay, waan ka fakarnaa mahad celinta laakin masoo xusuusano inaan tusno ama aan umahad celino, sidoo kale waa dhacda joogta ku ah nolosheena jacayl.

Isku day inaad tustid qofka aad jeceshay inaad maqsuud ku tahay, unoqo mid unaxariista. Ogoow waa muhiim inaad hadiyad siisid si joogta ah. Iska garo maalin kasta hadiyad ma ahan, laakin micnaha waad fahantay ayaan filaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here