4 Nooc Oo Dumarka Ka Mid Ah Ayaanay Raggu Dhayal Kaga Tegin Ama Dhaqso U Illaawi Karin.

0
853

4 Nooc Oo Dumarka Ka Mid Ah Ayaanay Raggu Dhayal Kaga Tegin Ama Dhaqso U Illaawi Karin.

Hargeysa (Dalmar-News)- Caadi ahaan ma jiro nin ama gabadh masuul ah oo jecel in uu burburo qoyskiisu, isfaham la’aan kasta iyo khilaaf kasta oo soo dhex gala, haddana dhinac kastaa waxa uu jecel yahay in uu dhowro dhismaha qoyska gaar ahaan marka ay ubad jiraan, laakiin haddana waxaa jira noocyo ragga ka mid ah oo ay dumarku karhaan in ay dhayal ku kala tagaan, iyo sidoo kale noocyo iyaguna dumarka ka mid ah oo ninku dhib kasta oo uu ka tirsanayo aanu hawl yari kaga tegi karin.

Qormadan maanta waxa uu Geeska Afrika ku soo qaadanayaa Afar nooc oo dumarka ka mid ah oo ninka qaba ay dhib ku tahay in uu furo, xitaa marka uu dhibaatooyin kale ka tirsanayo, waxa aanay kala yihiin:

1. Afada hooyada ah: Waa dhab in hooyo kastaa ay ilmaheeda wax kasta oo kale ka jeceshay, waqti iyo maskaxna geliso daryeelkiisa, laakiin haddana waxa aan la diidi karin in hooyooyinku ay sii kala ubad jecel yihiin kuna kala fiican yihiin barbaarinta carruurtooda.

Khubarada cilmiga bulshadu waxa ay aaminsan yihiin in ninku uu si gaar ah u jecel yahay gabadha uu ka dareemo in ay daryeel dheeraad ah ubadka u hayso, oo ka war hayso caafimaadkooda, muuqaalkooda, iyo xitaa waxbarashadooda iyo hawlahooda nololeed oo dhan.

Nin kasta waa ay ku adag tahay in uu dhayal kaga tago gabadh uu dabeecadahaas ku arkay.

2. Jacaylka hore: Ninku gabadha uu guurkoodu ku yimaaddo jacayl marka hore dhex maray, haddii nolosha adduun iyo waayaha guurka kadib yimaaddaa ay xanuun kasta ku beeraan, haddana waa ay ku adag tahay in uu si hawlyar afadiisaa uga tago, dhib kasta oo uu ka tirsadana waxaa kaga weyn godka ay qalbigiisa ku leedahay.

Waana sababta aad in badan arkayso nin afo dadka oo dhami u caayayaan ama xitaa is og in uu dhib ku qabo, haddana aan marnaba doonayn in ay kala tagaan.

3. Sir badan: Nin kastaa waxa uu jecel yahay in hadal iyo hawl wax kasta oo afadiisa dhex maraa ay sir ahaadaan oo xitaa aanay qoyska gabadhu ogaan, iyo in ceebihiisa aanay gaadhsiin hooyadeed iyo saaxiibbadeed.

Waxa uu jecel yahay gabadha uu arko iyada oo ceebihiisa asturaysa oo weliba hagaajinaysa, siraha noloshoodana qarinaysa. Nin kasta waa ay ku adag tahay in uu gabadhan dhayal ku dayacaa.

4. Gabadha lexe-jeclada badan:  Si kasta oo uu ninku faxal u yahay, haddana waxaa ku beeran dabeecad ah in gabadhu aanay dareensanayn dhibta uu dhaqaalaha ku soo saaray, mar kastana kharashka ay ka doonaysaa waxa uu ula muuqdaa mid aan ku habboonayn halka ay ku bixinayso, xitaa isaga oo siinaya ayaa uu hoos isugu sheegayaa in uu yahay kharash aan loo baahnayn, dabcan marar badan waa uu qaldan yahay, laakiin waa dabeecaddiisa, sidaa awgeed ninku waxa uu si gaar ah u jecel yahay gabadha uu ka dareemo lexejeclada iyo iyada oo isaga ka ilaalinaysa in uu kharash macno darro ah galo, ama iyada oo tashiilaysa dakhligooda, gabadhaas in uu ka tagaana waa ay ku adag tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here