Shaaha Cagaarani Waxa Uu Dejiyaa Dhiig Karka Iyo Subagga Waxa Aanu Ka Hortagaa Cudurka Alzheimers.

0
688

Shaaha Cagaarani Waxa Uu Dejiyaa Dhiig Karka Iyo Subagga Waxa Aanu Ka Hortagaa Cudurka Alzheimers.

Hargeysa (Dalmar-News)- Inta badan dadkeennu iskuma xidhaan cuntada iyo caafimaadka, waa run in dad badani og yihiin in nadaafadda iyo qaabka loo diyaariyo cuntadu xidhiidh la leedahay caafimaadka iyo in cuntooyinka qaar sixada guud u fiican yihiin, laakiin haddana waxaa jira faa’idooyin dhab ah oo caafimaadka ugu jira noocyo ka mid ah cuntooyinka aynu heli karno, balse aynaan inta badan ku baraarugsanayn. Wargeyska Geeska Afrika oo aaminsan in hantida ugu muhiimsan ee qofku ay tahay caafimaadkiisu waxa uu qormadan akhristaashiisa ugu soo gudbinaya cuntooyin faa’ido weyn u leh caafimaadka guud, lagana heli karo Somaliland:

Shaaha cagaaran: In kasta oo aanu shaahu ka bixin dalkeenna, haddana waxa uu ka mid yahay cuntooyinka sida weyn ganacsiga loogu keeno. Shaaha cagaarani waxa uu suuqyadeenna ku yaallaa qiimo maangal ah oo laga yaabo in aynu ku iibsanno cuntooyin kale oo qudhooda la soo waariday, kana waxtar yar, xagga caafimaadka:

Haddaba sida ay caddeeyeen khubarada caafimaadku shaaha cagaarani waxa uu si weyn ula dagaalamaa burburka ku dhaca unugyada jidhka ee muhiimka ah.

Baadhitaanno cilmiya oo la sameeyeyna waxa ay xaqiijiyeen in shaaha cagaarani uu yareeyo subaxa dhiigga raaca (Kalastaroolka), waxa uu sidoo kale si weyn u caawiyaa dejinta dhiig karka, labadan xaaladood oo aad ugu badan dalkeenna. Faa’idooyinka caafimaad ee ku jira shaaha cagaarani intaas kuma koobna, balse waxa kale oo aynu xusaynaa, daraasado caafimaad oo isugu marag kacay in shaaha cagaarani uu ka hortago cudurka Alzheimer.

Cudurkan oo dadkeenu mararka qaarkood u yaqaannaan asaasaqu waxa uu ku dhacaa hab-dhiska neerfayaasha maskaxda, waxa aanu qofka ka lumiyaa xasuusta, iyo awoodda maskaxeeed ee u fiirsiga iyo feejignaanta, aakhirkana qofka bukaa waxa uu noqdaa qof cadho badan, mararka qaarkood isla hadla, wax yaabo khayaali ahina is tusaan, illaa uu gaadho mararka qaar nooc waalli ah oo aan joogto ahayn. Illaa haddana ma jiro dawo rasmi ah oo uu xanuukani leeyahay.

 

geeska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here