RW Rooble oo Beesha Caalamka kala hadlay dhammeystirka doorashooyinka BFS gaar ahaan Dowlad goboleedyada Jubaland & Hirshabeelle.

0
486

RW Rooble oo Beesha Caalamka kala hadlay dhammeystirka doorashooyinka BFS gaar ahaan Dowlad goboleedyada Jubaland & Hirshabeelle.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa habka fogaan aragga shir kula yeeshay Wakiillada Beesha Caalamka ee C6+ oo ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray dhammeystirka doorashooyinka Golaha Shacabka gaar ahaan Dowlad-goboleedyada Jubaland iyo Hirshabeelle iyo hirgalinta jadwalka dhaarinta xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya..

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale wakiillada beesha caalamka kala hadlay xaaladda abaaraha ba’an ee dalka ka jira iyo sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here