Diyaarad waday 133 Rakaab ah oo ku dhacday Shiinaha.

0
585

Diyaarad waday 133 Rakaab ah oo ku dhacday Shiinaha.

Diyaarad ay leedahay Shirkadda “China Eastern Airlines” oo waday 133 ruux oo ah Rakaab ah ayaa ku dhacday Gobolka Gobolka Guangxi ee dhaca Koofurta Dalkaas sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan Dowladda.

Nooca Diyaaradda ayaa ah “China Eastern 737” waxa ay ku dhacday meel u dhaw Magaalada Wuzhou, faah-faahin dhab ah lagama bixin waxa sababay burburka Diyaaradda inkasta oo ay jiraan Saraakiil ku doodeysa in dab uu ka kacay qayb kamid ah.

Diyaaradda dhacday ayaa duullimaadkeedu waxa uu ahaa “MU5735” waxaana uu  qorshaha safarkeedu ahaa in ay caga-dhigato Guangzhou 5ta Aroornimo waqtiga Shiinaha (5:00AM) sida laga soo xigtay saraakiil katirsan Shirkadda.

Burburka diyaaradaha ayaa kordhay, waxaana ka dhashay dhimasho, dhaawac & waxyeello soo gaartay Dad ku nool qaar kamid ah deegaannada ay ku dhacaan Diyaaradaha inkasta oo aan si fudud loo faah-faahin sababta dhalisa ciladahaas.

Shirkadda Chine Eastern Airlines waxa ay kamid tahay saddexda shiradood ee ugu weyn Shiinaha Dhanka Duullimaadyada, waxaa la filyaa in maamulka uu soosaaro warbixin dhammeystiran marka uu soo gabagabeeyo xog-baarista uu wado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here