Sababaha Keena In Ninku Uu Guurka Kadib Naaxo.

0
599

Sababaha Keena In Ninku Uu Guurka Kadib Naaxo.

Hargeysa (Dalamr-News)- Waxaa caado bulshooyinka dunida oo dhami dareemeen noqotay in miisaan uu ninka ku kordho guurka kadib. Arrintan oo aan inta badan tafsiir cilmiya loo raadin ayaa marka bulshada Soomaalida la eegana ka mid noqotay caadooyinka lagu garto ninka guursada.

Cilmi-baadhis dalka Maraykanka lagu sameeyey oo sahamisay is beddelka guurka kadib ku dhaca ragga iyo xataa dumarka ayaa dhalinyaro ka badan 10 kun oo rag iyo dumar ah baadhay miisaanka guurka kadib ku kordhay.

Cilmi baadhistan oo socotay 29 sano oo u dhexeeyey 1979kii illaa 2008dii waxaa ka soo baxday natiijo ah in uu xidhiidh ka dhexeeyo guurka iyo korodhka miisaanka, waxaana la ogaaday in guurka kadib lammaanaha uu labada sano ee aqal-galkooda horreeya uu ku kordho miisaan u dhexeeya 4 illaa 10 kilogaraam.

Haddaba Nuha Al-Jawhari oo ah khabiirad ku xeel dheer cilmiga cuntada ayaa dhowaan si fiican u sharraxday arrimaha aasaasiga u ah in ninka uu miisaan ku kordho, waxa aanay ku soo ururisay qodobbada hoos ku qoran:

– Ninku guurka kadib waxa uu dareemaa xasilooni nafsi ah, niyadda ayaa u degta oo waxa gala shucuur raaxo iyo farxadeed, sidaa awgeed waxaa kordha amateedkiisa cuntada, waxaana inta badan ay u dhowdahay in uu cuno cunto intii hore ka badan, taasina waxa ay keentaa in miisaankiisu uu kordho.

– Guurka kadib waxaa is beddela hannaankii cunto ee uu ninku hore u soo qabatimay, tusaale ahaan waxaa is beddela saacadaha cuntada, waqtiga cuntada dusheeda uu ku qaadanayo, dhadhanka cuntada, jawiga goobta uu ku cuntaynayo iwm.

– Guurka kadib ninka iyo gabadhuba waxa ay yareeyaan danayntii iyo muhiimaddii ay siinayeen iska ilaalinta miisaanka, waxaa gala dareen nafsiya oo qaldan oo ah in maadaama oo laga baxay xilligii dhalinyaronimada aan loo baahnayn in miisaanka sidii hore la isaga ilaaliyo, taasina waxa ay hoos u dhigtaa dabeecaddii hore ee ahayd in cuntada badan la iska ilaaliyo, noocyada cuntada la iska hubiyo, isla markaana lagu dadaalo jimicsiga.

– Cuntooyinka macaanka iyo duxda oo inta badan bilowga aqal-galka ku badan guriga caruuska, marka dhinaca Soomaalida la eegana waxaa inta badan raggu isticmaalaan subag sidii hore ka badan iyo hilib, sida muqumadda iyo hilib caadiya labadaba.

– Muddada uu guurku cusub yahay waxaa caado iska ah in casuumaduhu ku bataan, iyo in lammaanaha qudhoodu ay marar badan dibadda guriga ku soo cunteeyaan gaar ahaan fasaxyada iyo cashada, sida la og yahayna cuntada hudheelka iyo gaar ahaan cuntada fudud ee (Take away) loo yaqaannaa caafimaad ahaan, iyo nadaafad ahaanba waa ay ka hooseeyaan cuntada guriga, waxa aanay kordhiyaan miisaanka. Sidoo kale cuntada casuumadaha lagu diyaariyaa waxa ay u badan tahay dufan iyo macaan.

– Lammaanaha oo midiba kan kale ku dhiirri geliyo in uu cuntada la sameeyey cuno, oo si fiican uga dhergo, taasina ay keento in ninku isaga oo ixtiraamaya xaaska cuntada fiican samaysay awgeed, xaddi badan ka cuno cuntada.

– Waxaa iyaduna xusid mudan in haddii ninku uu guurka kadib la kulmo xaalad aanu filayn, tusaale ahaan is faham la’aan iyo in uu guurkiisa ku farxi waayaa, ay taasi ku keento diiqad iyo niyad xumo. Xaaladaha nafsiga ahina waxa ay caan ku yihiin in qofku uu cunto aad u badan cuno.

– Sida dhaqanka Soomaaliyeedba tilmaamay guurku bilowga waa uu sino dhuuban yahay, guurka kadibna waxaa soo baxa arrimo badan oo aanu qofka dhalinyarada ah, gaar ahaan ninku ku fikirayn, qaabka nolosha, kharashka, culayska masuuliyadda iyo waajibaadka fulintooda laga sugayo iyo arrimo badan ayaa soo baxa, taasi ninka waxa ay ku keentaa culays nafsi ah, haddii xaaladdiisa dhaqaale aanay aad u qurux badnayna waxa ay ku keentaa xasilooni darro iyo warwar, sida aynu hore u soo sheegnayna xaaladdani waxa ay keeni kartaa in ninku uu cunto badan cuno.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here