Maskaxda Ninka Ayaa Ka Miisaan Culus Maskaxda Gabadha, Laakiin Ta Gabadha Ayaa Ka Fariidnimo Badan

0
769

Maskaxda Ninka Ayaa Ka Miisaan Culus Maskaxda Gabadha, Laakiin Ta Gabadha Ayaa Ka Fariidnimo Badan.

Hargeysa (Dalmar-News)- Waa qayb kale oo ah qormadii ka waramaysay kala duwanaanshiyaha ragga iyo dumarka, qormadan oo aad u xiiso badan waxa ayaa uu Wargeyska Geeska Afrika ka soo qaatay buugga les hommes, Le sexe, etc. ee ay qortay Ellen Willer oo ah saxafiyad qoraa ah oo u dhalatay kuna nool dalka Faransiiska.

Xidhmada ah neerfayaal-tififeedka (Neerfayaasha aadka u yaryar) isku xidha labada waaxood ee maskaxda gabadha ayaa qiyaas ah boqolkiiba 30 ka xoog badan oo ka adag kuwa isku xidha labada qaybood ee maskaxda ninka.

Sidoo kale hormoonka masuulka ka ah horumarinta iyo ilaalinta astaamaha dheddignimo ee jinsiga dheddig oo afka qalaad lagu yidhaahdo Estrogen laguna naanayso hormoonka dheddignimada ayaa firfirooni dheeri ah ku beera unugyadaas neerfeed kuna qasba in xidhiidhka labada dhinac ee maskaxdu noqdo mid fiican oo firfircoon.

Cilmi baadhis ay sameeyeen khubaro ku xeel-dheer caafimaadka nafsiga ah ee neerfayaasha ayaa daahfurtay in firfircoonida koronto ee maskaxda ninku marka uu ku jiro xaalad raaxo iyo nasasho ah ay gaadho illaa boqolkiiba 30 keliya marka loo eego tamarta guud ee jidhkiisa ku jirta, halka gabadha xaaladdan oo kale ay ka gaadho illaa boqolkiiba 90 tamarta guud ee jidhkeeda ku jirta.

Arrintanina waxa ay cilmi ahaan marag u tahay in gabadhu xataa marka aanay dareenkeeda soo jeedin ay haddana weli awood u leedahay in ay maqasho oo fahamto macluumaadka loo sheegayo isla markaana ay ka jawaab celiso si aan dhib ku ahayn.

Sannadkii 1997kii, ayaa saynisyahannad u dhalatay dalka Denmark oo ku takhasustay caafimaadka neerfayaasha, kana hawlgasha cisbitaalka caasimadda dalkaas ee Copenhagen ayaa daraasado kadib waxa ay xaqiijisay in gabadhu ay ninka ka fariidsan tahay, oo fariidnimada iyo garaadka maskaxdeedu boqolkiiba 3 ka badan yahay fariidnimada ninka.

Saynisyahanaddani waxa ay sheegtay in iyada oo ay sidaas tahay, haddana marka dhinaca culayska la eego ay maskaxda ninku ka culus tahay tan gabadha isla markaana ay dheer tahay 4 Bilyan oo unug-neerfeedyo ah.

Arrintani waxa ay marag u tahay in miisaanka maskaxda ninka ee ka culus maskaxda gabadhu aanu macnaheedu ahayn fariidnimo, daraasado dambe oo fara badan oo taas ka dambeeyey.

gees

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here