Shir Looga Hadlayay Qorshaha Ay CXD Kula Wareegi Lahaayen Amniga Dalka Oo Soo Idlaaday

0
237

Shir Looga Hadlayay Qorshaha Ay CXD Kula Wareegi Lahaayen Amniga Dalka Oo Soo Idlaaday

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamuud Cabdi Xasan iyo safiirka dowladda Soomaaliya ee Masar ahna wakiilka joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire, Ilaas Sheekh Cumayr ayaa soo xiray kulan looga hadlayay qorashaha ay ciidamada xoogga dalka kula wareegi lahaayeen amniga guud ee Soomaaliya oo ka dhacay dalka Masar.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Xasan Maxamed Siciid oo ka mid ah guddiga farsamo ee ka shaqaynaya qorshaha ay XDS kula wareegayaan amaanka dalka ayaa sheegay inay la kulmeen xubno ka socda Beesha Caalamka oo taqasus u leh arrimaha xasilinta, maal gelinta iyo tababarrada Ciidamada.

Agaasime Xasan Maxamed ayaa sheegay inay xubnaha ka socday beesha Caalamka uga warbixiyeen heshiiskii ay la gaareen AMISOM iyo habka ay Ciidanka XDS howsha ula wareegi doonaan.

Ugu dambeyn Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Xasan Maxamed Siciid oo ka mid ah guddiga farsamo ee ka shaqaynaya qorshaha ay XDS ayaa intaas kusii daray inay wadaan sidii dhaqaalo iyo taageera loogu heli lahaa fulinta barnaamijka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here