Maxay Ka Wada Hadleen Farmaajo Iyo Amiirka Qatar Oo Qadka Telefoonka Wada-Hadal Ku Yeeshay?

0
291

Maxay Ka Wada Hadleen Farmaajo Iyo Amiirka Qatar Oo Qadka Telefoonka Wada-Hadal Ku Yeeshay?

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay wadahadal dhinaca qadka teleefoonka kula yeeshay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani.

Madaxweyne Farmaajo iyo Amiir Sheekh Tamiim ayaa kulankooda uga wada hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar iyo danaha ay wadaagaan labada dhinac.

Sidoo kale inta uu socday kulanka qadka teleefoonka Farmaajo iyo Sheekh Tamiim Bin Xamad ayaa waxaa looga hadlay xaaladdihii ugu dambeeyay ee Arrimaha siyaasadda dalka iyo doorashooyinka muddo dhaafka noqday.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan dowladda Federaalka iyo mashaariicda ay ka fuliyaan gudaha dalka.

Dowladda Qatar ayaa waxaa ay la sheegaa inay xiriir dhow la leedahay Madaxda haatan talada dalka heysa ee uu hoggaamiyo Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here