Gobolka Tigrey Oo Markii Ugu Horeysay 5 Bil Gudahood Gargaar La Gaarsiiyay

0
297

Gobolka Tigrey Oo Markii Ugu Horeysay 5 Bil Gudahood Gargaar La Gaarsiiyay

Hay’adda Laanqeynta Cas ee Caalamiga ah ee ICRC ayaa sheegeysa in markii ugu horreysay ee muddo shan bilood ah in kaalo dawo ah la gaarsiiyey gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ee ay dagaaladu ka dheceen .

Arrintan ayaa ka dambeysay ka dib markii ay diyaarad ka degtay caasimadda Tigreega ee Mekkelle , waxayna Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Caalamiga ah ay sheegtay in duulimaadyo dheeraad ah ay maalmaha soo socda ay ku soo fool leeyiiin ayna jiri doonaan sahay iyadana dhulka la soo marsiin doono

Arrintan ayaa ka damebeysay codsi loo jeediyey dowladda Itoobiya oo ku saabsanaa in ay fududeyso in diyaardo lagu keeno sahay cunto iyo dawo ah lana gaarsiiyo goobaha ay heystaan mucaaradka . Shaqaalaha caafimaadka ayaa ka digayeyy in bukaanada ay u dhimanayaan dawo yari .

Dagaalo ayaa ka soo cusboonaaday dhulka ku teedsanxuduuda u dhaxeysa gobolada Tigray iyo Cafartakuwaas oo laga yaabo in ay sii adkeeyaan in dhinaca dhulka kaalmo goobahaa lagu geyn karo.

Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa sheegay in aan la ooggoleyn in dawo la gaarsiiyo gobolka Tigray tan iyo bishii MAY ee sanadkii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here