Taalibaan Oo Yurub Ka Bilowday Wada-Hadallo Ay La Yeelaneyso Reer-Galbeedka

0
266

Taalibaan Oo Yurub Ka Bilowday Wada-Hadallo Ay La Yeelaneyso Reer-Galbeedka

Wafdi ka socda maamulka Taliban oo ku sugan Magaalada Oslo ee dalka Norway ayaa bilaabay wadahadalallo diiradda lagu saarayo arrimo ay kamid yihiin gargaarka bani’aadanimo iyo ilaalinta xuquuqda Aadanaha oo ay la leeyihiin bulshada rayidka ee Afghanistan.

Qurba joogta reer Afghanistan ayaa dibad-baxyo ay kaga soo horjeedaan Taalibaan ku qabtay Magaalada Oslo ee dalka Norway.
Wafdiga Taliban ee Oslo gaaray ayaa sidoo kale markii ugu horeysay Yurub kula kulmi doona diblomaasiyiinta dalalka galbeedka tan iyo markii ay qabsadeen dalka Afganistan.

Ururka Taalibaan ayaa bartamihii sanadkii hore ee 2021 la wareegtay guud ahaan dalka Afghanistan, waxaana tan iyo wixii ka dambeeyay markaas dadka reer Afghanistan ay wajahayeen xaaladdo Bani’aadanimo oo darran.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa horaanta bishaan Janaayo ka dhawaajiyay in malaayiin reer Afgaanistaan ​​​​ay u baahan yihiin gargaar binii’aadanimo oo degdeg ah oo wax ka tara macluusha iyo dhaqaale xumida ka jirta dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here