Somaliland Oo Soo Saartey Xeerka Xakameynta Tahriibka iyo ka ganacsiga dadka.

0
436

Somaliland Oo Soo Saartey Xeerka Xakameynta Tahriibka iyo ka ganacsiga dadka.

Golaha wakiillada Somaliland, ayaa meel mariyey xeerka xakameynta iyo la dagaallanka tahriibka iyo ka ganacsiga dadka.

Axmed Nuur Guruuje, oo ah guddoomiyaha guddiga xildhibaannada ee xeerkan soo diyaariyey, ayaa carabka ku dhuftey inuu sharcigan qabanayo hey’ad iyo shaqsiba.

Guruuje, ayaa tilmaamey tahriibinta iyo ka ganacsiga dadka bani’aadamka iney yihiin laba dambi oo weyn, oo haatan wixii ka danbeeya aaney Somaliland u dulqaadan doonin dadka ku kaca dambiyadan.

Wuxuu xusey Guruuje in haddii dadka wax tahriibinaya ay dilaan qof kamid ah dadka ay tahriibinayaan, in iyaguna la toogan doono, sida uu dhigayo xeerka lasoo saarey.

Xeerka ayaa loo gudbinayaa madaxweyne Muuse biixi, si uu qalinka ugu duugo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here