JIGJIGA : Shidaal la’aan baahsan oo laga soo sheegaya magaalada Jigjiga

0
554

JIGJIGA : Shidaal la’aan baahsan oo laga soo sheegaya magaalada Jigjiga

Wararka ka imanaya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in halkaasi ay ka jirto shidaal la’aan baahsan. kuxigeenka madaxa xafiiska warfaafinta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Maxamed Rooble Maxamuud ayaa sheegay in arrintani ay saameyn ku yeelatay isu socodka dhanka gaadiidka.

Mr Maxamed ayaa shidaal yaridan sabab uga dhigay in qaar ka mid ah kaalimaha shidaalka ee deegaanka ay shidaalkii ay hayeen u dhoofiyeen meelo kale sida qaar ka mid ah deegaanada dalka Soomaaliya.

Waxaa arrintan si gaar ah ay u sameysay gaadiidleyda gaar ahaan dadka ku xamaasha gawaarida loo yaqaano Bajaajta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here