Raysal Wasaare Abiy Ahmed Oo Soo Gaadhay Magaalada Jigjiga Iyo Ujeedada Socdaalkiisa

0
349

Raysal Wasaare Abiy Ahmed Oo Soo Gaadhay Magaalada Jigjiga Iyo Ujeedada Socdaalkiisa

 

Waxaa saaka magaalada Jigjiga gaaray ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiyi Axmed. Ra’iisal wasaaraha ayaa la sheegay in safarkiisa uu ku tagay deegaanka Soomaalida uu xoogga ku saari doono la kulanka bulshada deegaanka ee xaaladda abaarta ee halkaas ka jirta ay saamaynta ku yeelatay.

Masuuliyiin sar sare oo uu hoggaaminayo madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxummed Cumar ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Jigjiga ku soo dhaweeyay ra’iisal wasaaraha Abiy Axmed.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa la sheegay inuu goor-dhow booqasho ku gaari doona duleedka degmada Qabri-bayax oo ay ku suganyihiin bulshooyin ay saamaysay xaaladda abaarta ee ka soo baracay deeganadoodii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here