Ciidamo Hubeysan Oo La Wareegay Qaybo Ka Mid Ah Magaalada Baledweyne

0
287

Ciidamo Hubeysan Oo La Wareegay Qaybo Ka Mid Ah Magaalada Baledweyne

Ciidamo hubeysan ayaa saaka la wareegay qaar ka mid ah xaafadaha Magalaada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, iyadoo halkaasi ay ka taagan tahay xaalada kacsanaan ah.

Wararka naga soo gaaraya Baladweyne ayaa ku warramaya in Ciidamo hubeysan oo ka amar qaata Sarkaal lagu magacaabo Nuur dheere ay Saaka la wareegeen  dhowr xaafadood oo ka tirsan Magaalada iyo waddooyinka ugu muhiimsan magaaladaasi.

Sawirro iyo muuqaallo lasoo duubay ayaa muujinaya Ciidan si aad ah u hubaysan oo lagu soo daadiyay xaafado ka mid ah Baledweyne, waxaana xaafadaha Ciidanka lagu arkayo ka  mid ah  Xaafda Nuur Xawaad, Suuqa Daraawiisha iyo Xaafado kale.

Wararka ayaa sheegaya in Xaafadaha ay la wareegeen Ciidankaasi hubeysan ay horay ugu sugnaayen Ciidanka Hirshabeelle, kuwaasi oo sida wararku sheegayaan galay Xerada lama galaay, halkaasi oo ay isku uruursadeen, maaddaama xaafadihii ugu muhiimsanaa ay qabsadeen Ciidamada ka amar qaata Sarkaalka lagu magacaabo Nuur dheere.

Dadka ku nool magaalada Baladweyne ayaa soo sheegaya in xaalad cabsi ah ay soo food saartay, maaddaama la filan karo in mar waliba halkaasi uu dagaal ka dhaco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here