Baalamaanka Ingiriiska Oo Dood Dheer Ka Yeeshay Arrinta Aqoonsiga Somaliland

0
221

Baalamaanka Ingiriiska Oo Dood Dheer Ka Yeeshay Arrinta Aqoonsiga Somaliland

Baalamaanka dalka Ingriiska ayaa dood dheer ka yeeshay arrinta aqoonsiga Somaliland. Doodda oo ahayd mid dhinacyo badan ay xildhibaanada iska taageen qadiyada Soomaaliland iyo sida ay dowladda UK ka yeelayso ayaa socotay muddo ka badan hal saac.

Xildhibaanka ayaa intooda badan la dhacsanaa doodda uu soo bandhigay xildhibaan Gavin Williamson oo ahaa xildhibaankii aqalka horkeenay mooshinka ka doodida aqoonsiga Soomalailand.

Gavin ayaa waxaa uu baarlamaanka sharraxaad dheer ka siiyey horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay dhinacyada amniga iyo dimuqradiyadda, isaga arrima badan u soo daliishaday sababta uu u doonayo inay UK u aqoonsato Somaliland.

Xildhiabanka ayaa intaa ku daray in xaqiiqada aan la iska indha tirin islamarkana aysan dowladda Britain ku qaadan muddo dheer oo kale in ay sugto aqoonsiga Somaaliland.

Wasiirka Arrimaha Afrika ee UK, ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dalkaas Victoria Grace Ford ayaa war ay soo dhigtay barteeda Twitterka ku sheegtay in dowladdeeda ay mowqif joogto ah ka taagan tahay arrimaha la xiriira darajada Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here