Dhaawaca Macalimuu Oo La Dhigay Isbitaal Ku Yaalla Magaalada Istambul Ee Dalka Turkiga

0
229

Dhaawaca Macalimuu Oo La Dhigay Isbitaal Ku Yaalla Magaalada Istambul Ee Dalka Turkiga

Waxaa Dalka Turkiga la gaarsiiyay dhaawac Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya maxamed Ibraahim Macalimuu, oo dhaawac uu kasoo gaaray Qarax maalmo ka hor ka dhacay Muqdisho, kaasi oo lala beegsaday gaari uu saarnaa.

Dhaawac Maxamed ibrahim Macalimu ayaa la geeyay Isbitaalka Sehir Ee Basaksahir Ee Magalada Istanbul,halkaasi oo dhaqaatiirtu ay kula tacaalayaan xaaladda caafimaad ee Afhayeenka.

Dhaqatiirta ayaa sheegay in xaaladiisa ay tahay mid aad u wanagsan mudo koobana uu Hospitalka Ku jiri doono,iyadoo sidoo akle ay jiraan dadaallo dheeraad ah oo ay sameynayaan Dhaqaatiirtu.

Cusbitaalka waxaa ku booqday Mas’uuliyiin ka mid ah safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga, kuwaasi oo qayb ka ahaa soodhweynta iyo dadaalada dalkaasi lagu geeyay.

Sidoo kale waxaa Isbitaalka ku booqday qaar ka mid suxufiyiinta ku nool dalkaasi,kuwaasi oo sheegay in xaaladdiisu ay tahay mid wanaagsan.

Macalimuu ayaa ku dhaawacmay Qarax xooggan oo lala beegsaday gaarigiisa, kadib markuu isku qarxiyay Qof waxyaabaha qarxa isku soo xiray, waxaana xusid mudan in uu horay uga bad baaday ilaa iyo afar qarax oo siyabo kala duwan uu ula kulmay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here